Madaxii warbaahinta Aqalka Cad ee Maraykanka oo shaqada laga eryay

Mareykanka (estvlive) 01/08/2017

Agaasimihii warbaahinta Aqalka Cad ee dalka Maraykanka Anthony Scaramucci ayaa shaqada laga cayriyay kaddib wax ka yar 10 maalmood oo uu xilkaasi hayay, sida war-kasoo baxay aqalka cad lagu sheegay.

Scaramucci ayaa la kulmay cambaareyn kaddib markii uu u yeeray weriye kaddibna uu jeediyay khudbad dheer oo uu ugu gefay dadka ay isla shaqeeyaan.

 

Agaasimihii madaxtooyada Aqalka Cad Reince Priebus iyo afhayeenkii Aqalka Cad Sean Spicer ayaa labadooduba Scaramucci dartiis shaqada uga tegay.

Go`aankan ayaa waxaa gaaray agaasimaha cusub ee madaxtooyada Aqalka Cad, Gen John Kelly, oo xilkaasi loo dhaariyay Isniintii.

Inkastoo muddada uu xilka hayay Scaramucci ay aad u gaabneyd haddana wuxuu sameeyay amarro badan oo dhibaato abuurayay, wuxuuse haatan ka daba tegay kuwii dartiis isku casilay.

21-ka bishii July Afhayeenka Aqalka Cad ee looga arimiyo Maraykanka, Sean Spicer, ayaa iscasilay, ka dib markii sida la sheegay uu ka biya diiday isku shaandheyn lagu sameeyay kooxda warfaafinta ee uu madaxda u ahaa.

Wargeyska New York Times ayaa sheegay in Spicer uu shaqada ka tegay ka dib markii uu madaxweyne Donald Trump nin cusub u magacaabay agaasimaha warfaafinta ee Aqalka Cad.

Anthony Scaramucci oo ah ganacsade laga yaqaano Wall Street ayaa loo magacaabay agaasimaha cusub, balse isagana xalay ayaa shaqadda laga eryay.

Comments are closed