Madaxweynaha oo sidoo kale ah Taliyaha guud ee Ciidamada qalabka sida wuxuu sheegay in daacadnimo looga baahan yahay isla markana ay masuuliyad adag saran tahay Ciidamadan oo looga fadhiyo in ay deegaanka ka xoreeyaan koox uu sheegay in ay marayso marxalad burbur iyo kala yaac ah oo u baahan oo kaliyah in la is raaciyo.
“Hadii aad idinku daacad u noqotaan Dalkiina oo aad u dhabar adaygtaan dagaalka aan cadawga kula jiro waxaa dhab ah in aan ka maarmayno Ajinabi iyo Ciidan shisheeye” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.
Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu sheegay in Dowladu ay bil walba diyaar la tahay mushaarka iyo gunooyinka Ciidanka si taas lamid ahna looga baahan yahay in waajibaadka saran ay kasoo baxaan.
Maamul goboleedka Jubbaland ayaa ka taliya qaybo ka mid ah goboladda jubbada Hoose iyo gobolka Gado ee koonfurta Soomaaliya, halka urur al-shabaab oo dagaal kula jira maamulka jubbaland uu ka taliyo gebi ahaanba gobolka jubbadda dhexe iyo qaybo ka mid ah goboladda kale ee koofurta Soomaaliya.
Comments are closed