Intii kulanka uu socday ayaa waxaa kaloo lagu soo hadal qaaday sida lagama maarmaan ay u tahay in laga hortago falalka amni darrada ah ee ay wadaan Al Shabaab.
Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa intii uu kulanka socday waxaa uu dhageystay tallooyinka saraakiisha amniga ay soo jeediyeen ee ku aadan sida loo sugi karo ammaanka, waxaana madaxweyne Farmaajo faray saraakiisha in ay ahmiyadda koowaad siiyaan ilaalinta muwaadiniinta Soomaaliyeed.
“Ciidankeena aniga waan aaminsanahay marar badanna waa iraahdaa waa ciidan fiican oo u soo diyaargaroobey in ay dalka u dhintaan, anaga waxaa nalaga rabaa madaxdii qaranka saadka, adinkana waxaa la idin ka rabaa qorshihii iyo howlgalkii,” ayuu yiri madaxweynaha.
Dhinaca kale Kulanka ayaa laga soo saaray in la dhiso guddi soo diyaariya qorshaha dowladda ay kula wareegayso amniga dalka, kaas oo loo xil saaray saraakiisha amniga.
Magaalladda Muqdisho waxaa ka socda howlgallo ay wadaan ciidanka xasilinta amniga caasimadda.
Comments are closed