Scaramucci oo laga cayriyey shaqada Agaasimaha Xiriirka Aqalka Cad

Mareykanka (estvlive) 01/08/2017

Anthony Scaramucci keliya 11 maalmood ayuu ahaa Agaasimaha waaxda xiriirka ee Aqalka cad ee dalka Maraykanka.

 

Aqalka cad ayaa ku jirey 6 bilood ee u danbeysey xaalad nasaho la’aan ah, waxaana bishii Luuliyo keliya is casiley ama xilka laga eryey Afayeenkii Aqalka Cad Sean Spicer, Agaasimihii guud ee Aqalka Cad Reince Priebus iyo shalay oo xilka laga cayriyey Anthony Scaramucci agaasimihii waaxda xiriirka ee Aqalka Cad.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa Agaasimaha guud ee Aqalka Cad u magacaabey Gen John Kelly oo ahaa Wasiirkii Amniga gudaha, kadib markii uu is casiley Agaasihii hore Reince Priebus.

Anthony Scaramucci ayaa ah nin aan khibard siyaasadeed oo Washington ah lahayn, waxaana lagu tilmaamaa Street boy ka yimid New York iyo Wall Street, waxaana uu sabab u noqdey is casilaada Afhayeenkii iyo agaasimihii Aqalka cad.

Cod uu ka duubey Ryan Lizza oo u shaqeeya wargeyska New Yorker ayaa gigiley Aqalka cad, kadib markii uu sheegay in uu dagaal ku qaadayo kuwa bixiya sirta Aqalka Cad ee uu kamid yahay Reince Priebus agaasimihii hore ee Aqalka Cad, sdioo kale erayada uu istcimaaley ayaa noqdey kuwo aan looga baran siyaasiyiinta Maraykanka. Afhayeenka Aqalka Cad Sara Huckabe ayaa sheegtey in madaxweyne Trump aad uga xumaadey hadalada uu isticmaaley Scaramucci.

General John Kelly ayaa la aaminsan yahay in uu shaqada ka cayriyey Scaramucci, taas oo ah mid uu uga duwan yahay ninkii ka horeeyey oo ahaa non jilicsan oo waxba ka qaban waayey maamulka aqalka cad,

Comments are closed