Maareeyaha Wakaalada dakhliga DDSI oo Ka Warbixiyay guulaha Laga Gaadhay Dhinaca kor u qaadida Dakhliga Deegaanka.

Jigjiga (estvlive) 03/08/2017

Maareeyaha  guud ee wakaalada dakhliga DDSI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xasan  oo warbaahinta deegaanka iyo ta dalka ugu waramayay xafiiskiisa ayaa sheegay in guulo waawayn uu mug leh laga gaadhay fulinta qorshihii dakhliga deegaanka ee sanad miisaaniyeedka 2009TI

Maareeyaha ayaa sheegay in xukuumada DDSI oo ka duulaysa taaba galinta xaqiijinta  horumar  waara oo joogtaysan  in ahmiyad gaar ah la siiyo dajinta xeelado lagu gaadhi karo natiijooyin wax-ku-ool ah, taasi oo ay  gaadhida istaraatajiyadaha iyo yoolashaasi lafdhabar u tahay in kor loo qaado nidaamka dakhliga deegaanka  in la xoojiiyo tayada    ilaha laga maalgalinayo horumarka korna loogu qaado kaabayaasha dhaqaalaha deegaanka  taasina waxay u baahan tahay xooga la saaro  sidii kor loogu qaadilahaa  nidaamka  dakhliga deegaanka

 

Maareeyaha ayaa tilmaamay in ka dib markii ay xukuumada DDSI xooga saaray sidii qaybaha kala duwan ee bulshada DDSI fahan buuxa looga siin lahaa in nidaamka dakhli ururinta iyo xadaynta dakhligu    laf-dhabar u tahay in ay bushadu hesho horumar, nabadgalyo iyo maamul suuban  islamarkaana ay  suurta galinayso  in nolosha bulshadu heer sare noqoto lana  tir tiro dulsaarnimada iyo saboolnimada ayaa waxay bulshadu ku dhiiratay in ay bixiyaan cashruuraha ku waajibka ah waxaana lagu guulaystay in dakhligii qorshaysnaa sidii loogu talagalay iyo si ka fiican loo soo xereeyo  islamarkaana la  suurta galisay in sanadihii ugu danbeeyay si xawliya  kor loogu qaado  dakhliga deegaanka .

Maareeyaha ayaa sheegay in sanad miisaaniyeedkii 2009TI  ay ahaa qorshaha u dajisan  DDSI in la soo ururiyo dakhli dhan 2.2 Billyan balse lagu guulaystay in la soo ururiyo dakhli dhan 2,Bilyan 324,124,020.16   oo laga soo kala xereeyay dakhliga heer deegaan, heer degmo iyo heer maamul magaalo dhinaca kale waxaa qorshaysnaa ayuu yidhi maareeyuhu sanadka 2009TI la  diwaan galiyo 6,498 cashuur bixiyeyaal waxaana lagu guulaystay in la diwaan galiyo 9,747 oo cashuur bixiyayaal heerkoodu kala duwan yahay, lana siiyay shahaadada lambarka cashuur bixiyaha (TINka), waxaa tababaro iyo wacyigalino la siiyay ayuu yidhi masuulku 98,168 oo ah shaqaalaha dawaalada dakhliga ee heerarkooda kala duwan iyada oo dhinaca kale  xooga la saaray sidii loo gufaynlahaa meelaha gol-dalooladu ka imankarta

dhinaca kale  maareeyuhu  mar uu ka waramayay qorsha wakaalada dakhliga DDSI sanadka 2010 ayaa waxa uu sheegay in uu yahay in la soo xereeyo dhakhli dhan 3 billyan dakhligan ayaa waxaa lagu hirgaliyay adeegayada aas aasiga ah ee bulshada iyo kor u qaaditaanka kaabayaasha dhaqaalaha deegaanka iyo hirgalinta mashaariicaha horumarineed ee ka jawaabaya baahida shacabka deegaanka

 

Comments are closed