Arqiso: Magacyada Guddiga Qaran ee taakulaynta ciidamada iyo lataliyeyaasha gaarka ah ee madaxwaye Farmaajo

Muqdisho (estvlive) 04/2017

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa xalay soo saaray wareegto uu ku magacaabay Guddiga Qaran ee Taakulaynta Ciidamada.

Dhinaca kale Madaxwaynuhu waxa uu soo saaray wareegtooyin uu ku magacaabay Lataliye-yaasha Madaxwaynaha ee Arrimaha Ciidanka Xoogga dalka, Doorashiiyinka & Dimuqraadiyeynta, Amniga Qaranka iyo lataliyaha sare ee Arrimaha Siyaasaddas.

 

15 xubnood waxaa ka kooban Guddiga Qaran ee Taakulaynta Ciidamada, waxaana ay isugu jiraan Saraakiil Ciidan, Aqoonyahanno, Culimmo, iyo qaybaha kale ee bulshada.

Madaxwaynuhu waxa uu u magacaabay Jeneraal Axmed Jaamac Muuse Guddoomiye-ha Guddiga, Halka Shiikh Nuur Baaruud Gurxan loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeen.

Guddiga Qaran ee Taakulaynta Ciidamada:

1. Jen.Cabdulqaadir Cali Diini

2. Danjire Maxamed Xuseen Abuukar ( Awliyo )

3. Prof. Muuse Aadan

4. Maxamed Yuusuf jaamac ( Tigay )

5. Shukri Maxamed Afrax

6. Shiikh Abuukar Bashiir Shiikh Cabdullaahi

7. Shiikh Cali Maxamed Xasan ( Wajiis )

8. Cabdullaahi Calibaar Xoosh

9. Caasha Abuukar Qaasim

10. Abuukar Shiikh Cismaan

11. Suldaan Warsame Suldaan Ibrow Suldaan Caliyow

12. Bashiir Mursal Ciise Bootaan

13. Feysal Weheliye Macalin Cumar

Dhanka kale, Madaxyne Farmaajo ayaa u magacaabay S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac in uu noqdo la-taliyaha Madaxwaynaha JFS ee Arrimaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sidoo kale Madaxwaynuhu waxa uu u magacaabay xilka la-taliyaha Madaxwaynaha ee Arrimaha Doorashooyinka & Dimuqraadiyeynta Mudane Maxamed C/risaaq.

Wareegto kale oo ka soo baxday Madaxwaynaha ayaa waxa uu ku magacaabay Lataliyaha dhanka Amniga Qaranka oo loo magacabaay S/Guuto Axmed Shiikh Maxamed.

Comments are closed