Al Shabaab oo toogtay askari Kenyan ah oo ay ku qabteen dagaalkii Ceel-Cade ee sabadkii 2016

Ceel-Cade (estvlive) 06/08/2017

Al Shabaab ayaa shalay dilay askari Kenyan ah oo maxaabiis ahaan ay ugu qabteen dagaalkii ka dhacay deegaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo 15-kii bishii January ee sanadkii 2016-da.

Dagaalkii ka dhacay deegaanka, ayaa waxaa ka dhashay khasaare xoog badan oo soo gaaray askarta Kenya, waxayna Shabaabku ay sheegteen inay ku dileen 200 oo askari, halka maxaabiis fara-badana ay ku qabteen.

 

Dhinaca kale dowlada Kenya oo beenisay in tiradas looga dilay weerarka weli kama aysan hadlin tirada saxda ah ee weerarka uga geeriyootay,waxaana arintasi ka dhashay muran ballaaran oo la xiriira khasaaraha rasmiga ee weerarka

Muuqaal 13 daqiiqo soconaya oo xalay Al Shabaab ay soo bandhigeen, ayaa waxaa ka soo muuqday nin ka tirsan Shabaabka oo bistoolado ku hubeysan oo qaarka kore ka tooganaya maxbuuskaasi.

Ka hor intii aan la dilin askariga, ayaa farriin uu u diray dowladda iyo shacabka reer Kenya, waxaa uu ugu baaqayaa in Ciidamada Kenya ay kala baxaan Soomaaliya.
Dagaalkii Ceel-Cade kadib Dowladda Mareykanka ayaa 13 Diyaaradood ka iibisay waddamada Kenya iyo Uganda si ay ugu adeegsadaan Al-Shabaab oo ay dagaal kula jiraan gaar ahaan hawlgalka Amisom ee ka socda Soomaaliya.

Diyaaradahan oo ah nooca loo yaqaan MD 530F,ayaa waxaa ay labada dalba kula wareegeen lacag dhan $87.6 Milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Uganda horay waxaa ay Ruushka uga iibsatay lix diyaaradood oo ah nooca SU-30MK, waxaana ay ku biirisay waaxdeeda difaaca.

Comments are closed