Jigjiga (estvlive) 06/08/2017
Waxaana aaskan qaran ee loo sameeyay allah ha u naxariistee marxuum sheekh cabdilaahi xasan ka soo qaybgalay masuuliyiin heer deegaan ah oo uu ka mid yahay wasiirka xafiiska madaxtooyada DDSI mudan cabdimahad maxamed cabaase masuuliyiin heer faderaal ah, Ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday marxuunku iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada jigjiga.
Hadaba Wasiirka madaxtooyada DDSI mudane Cabdimahad Maxamed Cabaase ayaa ugu horayntii tacsi tiiraanyo leh u diray ehelkii, Qaraabadii, xukuumada DDSI iyo guud ahaanba shacabwaynaha DDSI ee uu ka geeriyooday allah ha u naxariisteen marxuun sheekh cabdilaahi xasan wasiirka ayaana marxuumka illaahay uga baryay in uu jano fardowsa ka waraabiyo ehelkii, qaraabadii iyo dhamaan umada uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaanka siiyo wasiirka ayaa ka warbixiyay in uu marxuunku ahaa culimada ugu caansan deegaanka .
Wasiirka cadaalada iyo xeer ilaalinta guud ee DDSI mudane Cabdijamaal Axmed Qolonbi ayaa tacsi u diray tiiraanyo leh u diray ehelkii, qaraabadii iyo xukuumada DDSI ee uu ka geeriyooday marxuun sheekh cabdilaahi xasan oo ka warbixiyay taariikhda marxuunka isaga oo sheegay in uu ka mid ahaa culimada sida wayn looga yaqaano deegaanka . Qaybaha kale duwan ee bulshada iyo shaqaalaha dawlada ayaa si qoto dheer uga warbixiyay taariikhda iyo shaqsiyadii marxuum sheekh cabdilaahi xasan
Ugu danbayna culimo aw diinka deegaanka marxuunka ugu duceeyay in illahay janadii fardawsa ka waraabiyo ehelkii, qaraabadii, xukuumada DDSI iyo shacabwaynaha DDSI ee uu ja geeriyooday marxuunku samir iyo iimaanka siiyo
Comments are closed