Xildhibaannada Baarlamaanka oo maanta ka doodaya miisaaniyadda Dowladda ee sanadkan 2017-ka

Muqdisho (estvlive) 06/08/2017

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Jamhuuriyada Soomaaliya, ayaa maanta lagu wadaa in ay ka doodaan arrimaha miisaaniyadda Dowladda ee sanadkan 2017-ka.

Baarlamaanka ayaa waxaa horyaalla ajandayaal dhowr ah oo sida la sheegay muhiim u ah dalka, balse maanta ayaa waxaa ay ka doodayaan Miisaaniyadda, sida xildhibaannada ay sheegeen.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Beyle, ayaa dhawaan waxaa uu horgeeyay baarlamaanka Soomaaliya miisaaniyadda Dowladda, waxaana xildhibaannada loo qeybiyay nuqulada miisaaniyadda iyagoo markii dambe dib u celiyay miisaaniyadad.

 

Guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo wasaaradda maaliyadda ayaa maalmahan ka wada shaqeynayay sidii loo turxaan bixin lahaa miisaaniyadaasi oo xildhibaannada qaarkood ay aragti ka keeneen.

Miisaaniyadda dowladda ee sanadkan ayaa ah $246 million.

Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay taariikhda dhageysi waadix ah ku sameeyay Miisaaniyadda sanadkan.

Tan iyo bur-burkii dalka ma jirin dhageysi dad weyne oo la marsiiyo Miisaaniyadda ka hor inta aan Baarlamaanka la horgeyn.

Dhageysiga Miisaaniyadda ayaa waxaa ka qeyb-galay, Ururada Bulshada rayidka, NGOs, dadka baahiyaha-gaarka ah qaba iyo marti sharaf kale, waxaana si toos ah ay su’aalo loo weydiiyay guddiga Maaliyadda.

15-kii bishan Baarlamaanka federlka Somalia ayaa su’aalo waydiiyey wasiirka Maaliyada ee dowlada federalka ah ee Somalia, Cabdiraxmaan Xussein Ducaale, (Bayle), waxaana Su’aalaha ugu badan ay ahaayeen kuwa ku saabsanaa Miisaaniyada sanadka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horay Wasaarada Maaliyadda dib ugu celiyay Miisaaniyada dowladda oo ay ku sheegeen in wax ka bedelid ay u baahantahay, waxaana loogu baaqay Wasaarada Maaliyadda iney soo saxdo waxaana xilligaasi si KMG ah loogu ansixiyay 3 bil oo keliya.

Comments are closed