50-qof oo rayid ah oo lagu dilay woqooyiga Afghanistan

Afganistan (estvlive) 07/08/2017

Ugu yaraan 50 qof oo dumar iyo carruur ay ku jiraan ayaa lagu dilay waqooyga dalka Afganistan.

Dabley hubeysan ayaa warbaahinta dowladda ay sheegtay in ay ka dambeyeen weerarka lagu dilay dadka rayidka ahaa.

 

Waxay sheegeen in dagaalyahannadaasi weerareen saldhig ciidamada nabad gelyadu ku leeyihiin degmada Sayaad ee gobolka Sar-e Pul habeenimadii sabtidii oo ay dabna qabad siiyeen guryihii u dhawaa.

Zabihullah Amani oo ah af-hayeen u hadlay maamulka gobolka ayaa sheegay in rayidka “loo laayey si arxan darro ah oo bani’aadanimada ka baxsan”.

Ilaa hadda ma cadda dableyda weerarka qaaday cidda ay ahaayeen. Taliban-kuna waxay sheegeen in ay xubno ka tirsan ciidamada nabadgelyada ku dileen weerar ay ku qaadeen deegaankaa.

Bilihii u dambeeyey ayaa dagaalada ka socda Afghanistan xoogaysteen, in ka badan 16,662 qof oo rayid ah ayaana lagu dilay sannadkan qaybtiisii hore sida ay sheegeen warbixino ay soo saartay Qaramada Midoobay.

Dowladda Afganistan, ayaa sheegtay in ay baaritaanno xooggan ay wado, waxaana saraakiisha lagu amray in ay tallaabo deg-deg ah qadaan.

Comments are closed