Jawaari oo hambalyo u diray guddoomiyaha Aqalka Wakiilada Soomaaliland

Muqdisho (estvlive) 07/08/2017

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo u diray Baashi Max’ed Xaashi, oo shalay loo doortay guddoomiyaha Golaha Aqalka Wakiilada ee Soomaaliland.

Mudane Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa si kooban u sheegay in hambalyo iyo bogaadin uu u dirayo Guddoomiyaha cusub ee Golaha aqalka Wakiilada Soomaaliland.

 

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa shalay aqlabiyad yar oo hal cod ah ku doortay Baashe Maxamed Faarax in uu noqdo guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Somaliland.

Baashe ayaa helay 39 cod halka Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo la tartamayay uu helay 38 cod.
Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Somaliland Cabdiarxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa xilkaasi iska casilay arbacadii la soo dhaafay.

Cirro oo xilkaasi hayay muddo dheer ayaa hadda u tartamaya xilka madaxweynenimada doorasha Somaliland ka dhici doonta 13-ka Nofeembar ee sanadkan, waxa uuna musharax u yahay xisbiga mucaaridka ee Waddani.

Comments are closed