RW Khayre “Waxaan bilownay la dagaallanka musuq maasuq Qaran, qof walba waxaan kula xisaab tamaynaa shaqada uu dowladda u hayo”

Muqdisho (estvlive) 07/08/2017

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo uu weheliyo taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya sareeyo gaas Axmed Maxamed Jimcaal (Cirfiid) ayaa casar liiqii shalay booqday xarunta kaydka raashinka ee ciidanka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka dhagaystay warbixin saraakiisha dowladda, kuwasoo ku sugnaa xarunta kaydka ciidanka, waxuuna waraystay habka loo qaybiyo raashinka loona gaarsiiyo xarumaha ay ku sugan yihiin dhamaan ciidamadda.

 

Taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya ( XDS ) Axmed Maxamed Jimcaale ayaa sheegay in raashinku uu yahay mid ku filan ciidamadda, balse waxuu madaxda qaranka u soo jeediyay in si hoose ula socdaan xaaladda ciiddanka maadaama ay marwalba halis u galiyaan naftooda inay difaacaan dalkooda.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tilmaamay in ahmiyada koowaad la siiyo ciidamadda, maadaama ay shaqada ugu muhiim san wadanka u hayaan, wuxuuna ku dardaarmay in laga fogaado hantida ciidanka Soomaaliyeed, isagoona hadalkiisa raaciyay in ay jiraan Guddi kormeer ah oo imaanaya xaruntan si loo ogaado in si caddaalad ku jirto loo qaybiyay raashinka.

“Waxaan bilownay la dagaalanka musuq maasuq qaran, qof walbana waxaan kula xisaab tamaynaa shaqada uu dowladda u hayo, tanina waxay ka mid tahay isla xisaabtanka ay wado dowladdu” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Comments are closed