Jigjiga (estvlive) 08/08/2017Hadaba ciyaartan dhexmartay labadan kooxeed ee gobolka sitti iyo gobolka liibaan oo ahayd ciyaarta loogu gudbayay wareega 8da ayaa waxay wakhtigii loogu talagalay ku dhamaatay 1-0 oo ay guusha ku raacday gobolka sitti islamarkaana iska xaadiriyay wareega 8da.
Dhanka kale waxaa iyaga wada ciyaaray labada kooxood ee xulka kubda cagta ee gobolka daawa iyo xulka kubada cagta ee mm godey oo ay ciyaar aad uxiisa badan ku dhexmartay halkaas. Iyadoo labada kooxoodba soo bandhigeen ciyaar wanaag balse waxaa ciyaarta ku gacab sareeyay gobolka Daawa islamarkaana 4-2 ku karbaashay kooxda kubada cagta ee mm godey. Wuxuuna gobolka daawa iska xaadiriyay wareega 8da.
Ugu danbayna kooxaha iskasoo xaadiriyay wareega 8da ayaa waxa ay iskugu aadi doonaan sidan hoos ku qoron.
Comments are closed