50 qof oo Somali iyo Itoobiyaan ah oo laga cabsi qabo in ay ku geeryoodeen badda u dhaxeysa Yemen iyo Somalia

Libiya (estvlive) 10/08/2017

Illaa 50 qof oo Somali iyo Itoobiyaan isugu jira ayaa laga cabsi qabaa in ay ku geeryoodeen badda u dhaxeysa Somaliya iyo Yemen, sida ay sheegtay hay’adda IOM.

Qaar kamid ah dadkii lasoo badbaadiyay ayaa hay’adda u sheegay in lagu qasbay in ay dib u noqdaan, hadii kale la dilayo, taas oo u muuqata in si qasab ah loogu maasheeyay badda.

Dadkaasi ayaa tira ahaan waxaa lagu qiyaasay 120 qof.

“Tani waa naxdin iyo bani’aadanimo ka bax ah, dadka geeryooday waxaa ku jira dad aad u da’ yar, oo mustqabal lahaa”, sidaasi waxaa yiri de Boeck, oo ah madaxa hay’adda IOM ee dalka Yemen.

IOM waxaa ay heleen meydka 29 qof, waxaa laga helay dadkaasi xeebaha gobolka Shabwa, in ka badan 22 muhaajiriin ah ayaa la la’yahay.

Hey’adda IOM waxaa ay sidoo kale sheegtay in illaa 55,000 muhaajiriin ah ay sanadkan u tillaabeen dalka Yemen, in ka badan  30,000 oo dadkaasi ka mid ah waxaa ay yirii Soomaali ama Ethiopian waxaana ay ka yar yihiin da’da 18ka sano.

Comments are closed