Fadhiga Golaha wakiialda waxaa ka soo qaybgalay Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxed Cali Gaas iyo in badan oo kamid ah golaha xukuumadda ee uu Madaxweynuhu ku dhawaaqey. Kahor inta aan loo gelin codeynta ayaa qaar kamid ah Wasiirada, kuxigeenada iyo wasiiru Dowlayaal ay Baarlamaanka hortiisa ka akhriyeen taariikhdiooda iyo waaya aragnimadooda siyaasadeed iyo mid maamul.
Madaxweynaha Puntland oo khudbad kooban u jeediyey Golaha Wakiilada ayaa sheegay in Puntland ay marayso xaalad adag oo u baahan in laga gudbo sidaas darteedna aysan ka bixi karin in xiligan ay noqoto mid xukuumad la’aan ah, Madaxweynaha ayaa sheegay in golahan uu ka kooban yahay Wasiiro ay is fiican isu yaqaanaan Xildhibaanada oo uu ku tilmaamey in looga bartey in ay ku shaqeeyaan “Karti iyo Hufnaan†duruufo adagna ku soo shaqeeyey, iyo kuwo cusub, sidaas darteed si duuduub ah loo ansixiyo.
Xildhibaanada ku sugnaa fadhigii maanta ayaa gaarayey 64 Xildhibaan, waxaana Afhayeenka baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi codka u qaadey in la ansixiyo Xukuumadda marka laga reebo Wasiiro dhawr ah oo maqan kuwaas oo dib loogu dhigaayo Kalfadhiga bisha Oktoobar 2017.
Xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland ayaa cod aqlabiyad ah oo ka badan kii ay ku rideen xukuumadda ku anixiyey. 61 Xildhibaan ayaa codka Kalsoonida siiyey xukuumadda, waxaa ka aamusay 3 Xildhibaan mana jirin cid diidey.
Golaha Wasiirada ee Puntland ayaa ka kooban 53 Wasiir, waxaana Madaxweynuhu kus ameeyey isku shaandheyn kadib markii ay waayeen codka kalsoonida, waxaana lagu soo darey wasiiro gaaraya 4 Afar xubnood.
Mid kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa sheegay in ay qaateen lacag gaareysa $2milyan oo Dollar si ay u ansixiyaan heshiisyada iyo xukuumadda,w axaana uu lacagtii isaga la siiyey ugu deeqay ciidanka Booliska maadaama ay ahayd hanti Puntland sida uu u sheegay radio Garoowe.
Qaar kamid ah dadweynaha Puntland ayaa is weydiinaya dhaqanka Xildhibaanada Golaha Wakiilada, maadaama golaha wasiiradu 90% ay yihiin xukuumaddii ay kalsoonida kala nqodeen, maxaa iska beddalay sababtii ay shalay shacabka u sheegeen ee ahayd in xukuumaddaasi ku fashilantey Amniga, Dhaqaalaha iyo bixinta adeegyada shaqaalaha
Comments are closed