Safiya oo ka tirsan xisbiga PDR ayaa laga soo doortay deegaanka Ijara ee ismaamulka Gaarisa, waxayna tartan adag la gashay Axmed Ibraahim Cabaas oo kula tartamayay kursiga xildhibaanimo. Waxayna heshay 6,0001 cod halka Axmedna uu helay 5705 cod.
Bulshada ka soo jeeda Waqooyi bari Kenya oo u badan xoolo dhaqato, ayaa in badan oo ka mid ah waxaa ay u arkaan in aan diinta iyo dhaqankoodu u ogolayn in haweenku ay hoggaanka bulshada qabtaan.
Waa markii ugu horaysay tan iyo markii Kenya xorriyadeeda heshay oo haweeney ka soo jeeda Waqooyi bari ay xil intaas le’eg ku guulaysato.
Kursiga ay ku guulaysatay Safiya Cabdi ayaa waxaa ku loolamayay musharixiin kale oo ka tirsan axsaabta kala duwan ee Kenya.
Safiya Cabdi ayaa horay u aas-aastay hay’ad u dooda xuquuqda haweenka oo la yiraahdo ‘Womenkind Kenya’, taasi oo dhiiri gelisa waxbarshada gabdhaha iyo arrimaha kale ee haweenka la xiriira.
Haweenaydan ayaan ku cusbayn siyaasadda, waxaana 2007-dii xisbiga mucaaradka ee ODM uu u magcaabay xildhibaan aan la soo dooran oo ka mid ah aqalka baarlamaanka.
Muddo dheer oo ay soo ahayd macalimad, ayeey sidoo kale wakhti badan gelisay siddii ay ugu dagaalami lahayd xuquuqda haweenka Waqooyi bari Kenya, waxayna safka hore kaga jirtay ka hortaga dhaqamada wax u dhima dumarka sida gudniinka fircooniga ah.
Markii horaysay ayay isku dayday in ay qayb ka noqoto siyaasada sanadkii 1997-dii, waxayna iska soo sharraxday deegaanka Ijara oo hadda laga soo doortay. Maxamed Daahir Wayrax ayaana wakhtigaas uga guulaystay kurisiga xildhibaanimo.
Waxay mar kale isa soo sharraxday 2013-kii iyada oo ka tirsan xisbiga UPR. Mar kale ayaa haddana laga guulaystay.
Ugu danbayntii doorashada dhacaysa sanadkan 2017-ka ayay Safiya Cabdi Nuur ku guulaystay kursiga xildhibaanimo ee deegaanka Ijara.
BBC
Comments are closed