Guddiga doorashada ayaa mucaaradka uga digay sheegashada in uu guulaystay Raila Odinga, waxaana ay intaa ku darreen in cid aan gudiga aheyn ku dhawaaqi karin natiijada.
Shalay galab guddiga doorashadu waxey sugayeen ilaa iyo 170 form oo ka imaanayay 290ka deegaan doorasho ee Kenya, iyo ilaa iyo Kun form oo kale oo Iyana ka imaanayay 40, 883 goob codbiin.
Cabsi laga qabo rabshado dilaaca marka natiijada lagu dhawaaqo ayaa si weyn uga oogan dalka Kenya, madaama maalintii shalay meelaha qaar dalka Kenya ay ka dhaceen dibadbaxyo khasaare nafeed iyo mid hantiyeed intaba sababay.
Warbaahinta guud ahaanba caalamka ayaa siweyn isha ugu haya natiijada kama danbeysta ah ee la filayo in ay guddiga doorashada maanta ku dhawaaqaan iyo cidda ku guuleysan doonta kursiga ugu sareeya tallada dalka Kenya ee madaxweynaha.
Comments are closed
Comments are closed