Mattis oo saxaafadda kula hadley gobolka Kalafoorniya ee dalka Maraykanka ayaa yiri.
– Shaqadeydu waa ciidan iyo arrimo mileteri in aan xal ku gaaro haddii loo baahdo. Laakiin hadda Maraykanku xiiso uma qabo dagaal waxaana dagaalka ka horeeya in diblomasiyad la isticmaalo.
Mattis ayaa ah Jeneraal hawlgab ah oo ka soo shaqeeyey dalalka Ciraaq iyo Afqaanistaan.
Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtey in bartamaha bishan ay dhici karto in ay weerar ku qaado Jasiirada Guam ee Maraykanku ku lee yahay Saldhigga ciidan.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay haddii Guam uu weeraro hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi in uu dhandhamin doono kharaar aanu weligiis arag. Trump ayaa hadalo kulul u isticmaaley xiisadda Kuuriyada Waqooyi taas oo noqotey mid si weyn loo hadal hayo cabsina ku abuurtey caalamk
Comments are closed