Uhuru Kenyata ayaa ku guuleystay in ka badan 54% cododka murashaxiinta Madaxweynaha isagoona helay codod ka badan sideed milyan [8.203.290].
Madaxweynaha Kenyatta iyo kuxigeenkiisa Ruto oo goobta soo gaaray daqiiqado kahor intaan natiijada lagu dhawaaqin ayaa u mahadnaqay dhamaan dadka codka siiyay iyo waliba dadkii lasoo shaqeeyey
Wuxuu sheegay Uhuru inuu sii wadi doono shaqada uu u hayey shacabka iyo dalka Kenya, wuxuuna sidoo kale u mahadnaqay Guddiga Doorashada hawshii wanaagsaneyd oo ay qabteen.
Guddiga doorashada ayaa horey u sheegay inay qaadan doonto muddo 7 maalmood ah inay ku dhawaaqaan natiijada, balse go’aansaday in ay sadex maalmood kadib codbixinta ay soo afjaraan tirinta cododka iyo waliba xaqiijinteeda.
Kahor intaan natiijada looga dhawaaqin xarunta guddiga doorashada ku shaqeenayeen ee Bomas ayey halkaasi isaga tageen murashaxiinta xisbiga mucaaridka ugu weyn ee NASA oo uu hogaamiyo Raila Odinga oo natiijada qaadacay intaanba lagu dhawaaqin.
Hase yeeshee waxaan weli la ogeyn inay dacwad dhanka maxkamada ah gudbin doonaan xisbiga Mucaaridka ee NASA oo iyagu sheegay in la jabsaday serverka ay isticmaalayeen guddiga doorashada sidaana wax looga bedalay cododka tirinteeda.
Kooxaha korjoogayaasha ah ee Beesha Caalamka ka socda oo ay ku jiraan Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD iyo kuwa kale oo badan ayaa sheegay in doorashada ay si macquul ah u dhacday isla markaana aysan arag wax musuq maasuq weyn ah, walow dooda ay ka taagan tahay arrinta tirinta cododka.
Kenyatta ayaa ugu baaqay kooxda laga guuleystay ee Raila Odinga inay aqbalaan natiijada diyaarna u yihiin inay wada shaqeeyaan oo ay wadahadal wax walba ku dhameeyaan si loogu adeego wadanka.
“….Doorashooyinka waa yimaadaan waana dhamaadaan, balse waxaan marna dhamaan doonin dalkeena Kenya, aan ka shaqeeno Nabada, uma baahnin xiisad iyo mushkilad uu dalkeena galo, dhamaan ummada reer Kenya wadahadla oogacmaha is aqbasada dhamaanteen walaalo ayaanu nahay, aanu si wadajir ah aan horey ugu socono….†ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyey Madaxweynaha marka labaad doorashada ku guuleystay Uhuru Kenyatta
Comments are closed