Kulan Lagaga Hadlayay Mashruuca Dabargoynta Cudurka susanka Oo ka Furmay Jigjiga.

Jigjiga (estvlive) 15/08/2017

Waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah  ee garaad wiil-waal lagu soo dhaweeyay masuuliyiin heer faderaal ah oo ay hogaaminayso wasiir ku xigeenka wasaarada xanaanada xoolaha iyo horumarinta kaluunka  JDFI marwo Dr Misraq Mokonen iyada oo ay si qurux badan ugu soo dhaweeyay garoonka masuuliyiin heer deegaan ah oo ay ka mid tahay wasiir ka xoolaha iyo horumarinta reer guuraaga DDSI marwo Maajida Maxamed Maxamuud.

 

Soo dhawayn ka dib waftigan  heer faderaal ee ay hogaaminayo wasiirku xigeenka wasaarada xanaanada  xoolaha  iyo horumarinta  kaluumaysiga JFDI marwo Dr misraaq mokonen ayaa   ka  qaybgalay  furitaanka kulan balaadhan oo lagu qorfaynayay  waxqabadka iyo jihooyinka mashruuca dabar-gaynta cudurka suusanka / kalidii cunaha dhiiga xoolaha islamarkaana ah cudur ku dhaca xoolaha waana cudur caqabad ku keeni kara horumarinta khayraadka xoolaha. kulankan ayaa waxaa kale oo ka soo qaybgalay masuuliyiinta xafiiska xoolaha iyo horumarinta bulshada reer guuraaga DDSI oo ay ugu horayso wasiirka xoolaha iyo horumarinta bulshada reer guuraaga DDSI marwo Maajida Maxamed Maxamuud, masuuliyiin ka socday hay’adaha bah-wadaagta la ah xafiiska xoolaha iyo horumarinta reer guuraaga DDSI iyo madax xafiiseedyada xafiisyada xoolaha iyo horumarinta bulshada reer guuraaga ee 30 degmo oo ka mid ah degmooyinka deegaanka.

Waxaa, furitaankii kulankaasi ka hadashay wasiirka xoolaha iyo horumarinta bulshada reer guuraaga DDSI marwo Maajida Maxamed Maxamuud oo ka warbixisay istaraatajiyadaha  jihooyinka iyo qorshayaasha lagu horumarinayo xoolaha dalka iyo khayraadkooda  gaar ahaan deegaanada xoolo dhaqatada kaasi oo uu ugu  horeeyo deegaanka somalida itoobiya oo ah deegaan hodan ku ah dhinaca khayraadka xoolaha wasiirka ayaa sheegtay in xooluhu yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha bulshada bulshadeena taasi oo ay deegaanka somalida itoobiya xoolaha toos uga faa’iidaystaan  inka badan 85%. Wasiirka ayaa sheegtay in wakhtiyadii hore aan sidii loogu talagalay looga faa’iidaysan khayraadka xoolaha balse sanadihii ugu danbeeyay dalkeena itoobiya iyo deegaankuba xooga saareen sidii loo horumarin lahaa nidaamka dhaqashada xoolaha iyo ka faa’iidaysiga khayraadkooda iyada oo la adeegsanayo farsamooyin kala duwan ee casriya islamarkaana xooga la saarayo sidi looga hortagilahaa cudurada faafa ee ku dhaqa xoolaha . wasiirka ayaa intaasi ku dartay in si loo xaqiijiyo tayada caafimaad qabka xoolaha ta dajiyay taba iyo xeeladu lagu dabar-goynayo cudurada ku dhaca xoolaha  kuwaasi oo ay ka mid yihiin mashruuca  dabargaynta   cudurka suusanka ee ku dhaca xoolaha gaar ahaan adhiga kulankana yahay mid lagaga hadlayo sidii loo xoojinlahaa waxqabadka mashruucan.

Dhankeeda waxaa furitaankii kulankaasi ka hadashay wasiirku xigeenka wasaarada xanaanada xoolaha iyo  horumarinta kaluunka  JDFI marwo Dr Misraaq Mokonen oo sheegtay in dalkeena itoobiya ka mid yahay wadamada geeska Africa ugu xoolaha badan, deegaanka soomalida itoobiyana yahay deegaanada ugu xoolaha badan dalkeena itoobiya  sidaasi darteedna sanadihii ugu danbeeyay guulo waawayn laga gaadhay  xaqiijiyo tayada xoolaha iyo khayraadkooda   iyada oo  sameeyay qorshayaal lagu tayaynayo horumarinta xoolaha nool iyo ka faa’iidaysiga , khayraadkooda gaar ahaan suuqgayntooda.

Kulankan ayaa waxa inta u socdo lagu soo bandhigayaa daraasaad lagu sameeyay sidii loo Xaqiijin lahaa tayada xoolaha loogana hortigilahaa cudurada faafa ee ku dhaca xoolaha gaar ahaan cudurka susanka  iyo guud ahaanb jihooyinka casriga ah ee lagu horumarinayo xoolaha nool iyo khayraadkooda.

Comments are closed