Trump ayaa Isniintii lagu cadaadiyey inuu cambaareeyo cunsuriyiinta rabshadaha dhigay sabtidii, kadib markii uu ku fashilay in shirkii jaraa’iid uu sabtida eeda dusha ka saaray waxa uu ugu yeeray “dhinacyo badan”.
Donald Trump ayaa markale dib ugu noqday difaacida kooxaha rabshadaha ka dhigay magaalada Charlottesville isagoo yiri:
“…In badan oo kamid ah dadka mudaharaadka dhigay maaheyn Cunsuriyiin, idinka (Saxaafada) ayaa si xun u fasiray, dadka qaar waxay kasoo horjeedaan ina la bedalo taariikhdooda…” ayuu yiri Trump.
Kooxaha cunsuriyiinta oo ay ku jiraan Nazi iyo KKK ayaa mudaharaadka qabtay si ay uga hortagaan in la burburiyo taalo horey loogu dhisay mid kamid ah hogaamiyayaashii Maraykanka Robter Lee oo u dagaalamay inaan la joojin adoonsiga dadka madowga ah.
Comments are closed