Odinga iyo isbaheysigiisa oo diidan natiijada ayaa sheegaya inay iyagu ku guuleysteen codbixinta, balse guddiga doorashada ay khaladaad sameeyeen iyo musuq maasuq lagu bedalay tirinta cododka.
Gudoomiyaha ololaha mucaaridka NASA ninka lagu magacaabo Musalia Mudavadi oo shalay la hadlay saxaafada ayaa sheegay in dib u dhac ku timid shirkii jaraa’iid oo ay qaban lahaayeen, maadaama uu weli wadahadal uu usocdo madaxda isbaheysiga NASA oo baaritaan kuwada diiwaanka cododka la tiriyey
Wuxuu Mudavadi sheegay in maanta oo Arbaco ah ku dhawaaqi doonaan go’aankooda.
Waxaa jira warar sheegaya in isbaheysiga mucaaridka isku khilaafsan yahay tilaabadii ay qaadi lahaayeen.
Koox kamid ah NASA ayaa dooneysa banaanbaxyo waaweyn iyo rabshado in la dhigo, halka qeyb kale ay kasoo horjeedo iyagoo ku doodaya inay taasi ku dhuminayaan taageerada yar oo ay ka heystaan beesha caalamka isla markaana aan la filan karin saameynta ay yeeshaan banaanbaxyadaasi.
Inta badan dalalka Caalamka ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha Uhuru Kenyatta kadib markii guddiyadii Caalamiga ah ee korjoogayaasha ahaa ay sheegeen in doorashada ay u dhacday hab wanaagsan.
Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale diiday codsi ay Mucaaridka NASA u direen inay soo dhexgasho, UN-ka ayaa sheegay in NASA cabashadooda u gudbiyaan hay’adaha qaabilsan, walow NASA ay diidan tahay weli inay dacwad u gudbiso maxkamada sare.
Comments are closed