DAAWO FIIQ Shacabka Degmada iyo Masuuliyiinta Gobolka Erer & Mas’uuliinta Degmada Kulan wada Yeesheen

Fiiq (estvlive) 17/08/2017

Waxaa magaalada Fiiq Xarun Maamulka Gobolka Erer lagu qabtay kulan ay ka soo Qeybgaleen Mas’uuliinta Gobolka Erer oo wehelinayay Maamulka Degmada Fiiq iyo dhamaan Waxgaradka dhalinyarada iyo Haweenka Magalada.

Kulan oo lagu Qabtay hoolka shirarka Magaalada Fiiq waxaana ugu horeyn shirka Furay Gudoomiyaha Gobolka Erer Mudane Axmed Shuun sugule iyo Gudoomiyha Degmada Fiiq Mudane Cabdiqaadir Maxamed Xasan oo shacab degmada Fiiq u soo bandhigay istaraatajiyadaha Qorshaha Hormarineed 2010 Tirsiga Itoobiya kuna dhiiri-galiyay Shacabka in ay garab istaagaan qorshaha hormarineed dawlada deegaanka Somalida itoobiya ka hirgalineyso deegaanka.

Ugu dambeyntii Shacbaka degmada Fiiq ayaa ballan qaadeen in ay taageeraan dhammaan qorshaha horumarka iyo nabadgalayda iyo maamulka suuban

Comments are closed