Waa markii labaad oo ay Mucaaridka Kenya dacwad ka dhan ah natiijada doorashada horgeenayaan Maxkamada sare ee Kenya.
“….Horey baan u sheeganay inaan dooneyn inaan maxkamada sare dacwadeen u gudbino, balse waxaa arrintan nagu khasbaya ololaha cusub oo ay xukuumada Uhuru bilowday inay ku weerarto ururada madaxa-banaan sida Africog iyo Kenyan Human rights Commission oo xarumahooda la doonayo in la xiro….” Ayuu yiri Odinga oo shalay saxaafada la hadlay kadib wadahadal dheer oo u socday ururka NASA ee doorashada looga guuleystay.
“….Caalamka ayaa usoo bandhigi doonaan in Uhuru Kenyata uusan ku guuleysan codka shacabka siiyeen balse uu ku guuleystay serverka ay jabsadeen, waxaana doortay computer ee ma dooran shacabka…” ayuu yiri Raila Odinga oo weli ku adkeysanaya inay hayaan cadeyn muujineysa qaabkii loo jabsaday computerkii lagu tirinayey xogta laga soo diray goobaha cododka laga bixinayey.
Mucaaridka ayaa ku doodaya in xisaabta ama tirinta cododka ee computerka la bilaabay iyadoo xataan aan weli goobaha tirinta la keenin waraaqihii cododka ay shacabka ku bixiyeen, wuxuuna sheegay in computerka lagu sii xiray barnaamij si been ah codod aan jirin u siinaya Uhuru Kenyatta “…cododka uu helay waa kuwo uu u kar kariyey Computerka….” Ayuu yiri Odinga.
Raila Odinga ayaa sidan oo kale naatiijadii doorashadii dhacday sanadkii 2013 u diiday isla markaana dacwadiisa u gudbiyey maxkamada sare, walow ay xukuumada Uhuru uga guuleysatay kiiskaas.
Odinga ayaa sheegay in Maxkamada sare ay khalad gashay 2013, taasina keenaysay waxa ay uga warwaregayeen inay markale maxkamadaas hortagaan, balse wuxuu sheegay in hada ay fursad labaad u tahay Maxkamada Sare inay iska meyrto ama dhaqdo khaladaadkii ay gashay 2013 oo ay si cadaalad ah u maamusho dacwada ay u gudbinayaan.
Go’ aanka Mucaaridka ee ah in dacwadooda u gudbiyaan Maxkamada Sare ayaa ahayd mid ay ku khasbanaadeen kadib markii ay guddiyadii caalamiga ahaa ee korjoogayaasha doorashada ay taageereen natiijada iyo guusha Uhuru Kenyatta.
Mucaaridka ayaa sidoo kale ku fashilay baaq ay u direen Qaramada Midoobay inay arrintan soo dhexgasho kadib markii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay sheegay in mucaaridka u gudbistaan dacwadooda hay’ adaha qaabilsan arrintan oo ah (Maxkamada Sare ee Kenya).
Qaar kamid ah hogaamiyayaasha NASA ayaa iyagu doonayey in la dhigo mudaharaadyo waaweyn, balse qeyb kamid ah madaxda mucaaridka ayaa ka cabsi qaba dhibaatada ka dhalan karta banaanbaxyadaasi iyagoo xasuusta khasaarihii ka dhacay dalkaasi kadib doorashadii 2007 – 2008.
Maxkamadan u furmi doonta xisbiyada Kenya ayaan meesha ka saareyn cabsidii ay qabeen shacabka Kenya, maadaama aan la ogeyn waxa dhici doona kadib markii maxkamada soo afjarto dacwadan ay keenen NASA, xili ay taageerayaasha NASA weli ku baaqayaan inaan nabad jiri doonin hadii Raila Odinga uusan xilka Madaxweynaha qaban.
Comments are closed