Degaamo Muhiim ah oo Lagala Wareegay Al-shabaab

Mareeray (estvlive) 19/08/2017

Ciidamada milateriga dowladda Federaalka  oo ay wehliyaan kuwa Amisom  ayaa maleeshiyaadka Al-shabaab kala wareegay  degaamo ay ka mid yihiin Bariire, Sabiible, Caanoole, Mareerey iyo tuulooyin kale oo ay ku sugnaayeen maleeshiyada Shabaab, sida uu sheegay guddoomiye K/xigeenka maamulka gobolka shabeelaha Hoose C/fitaax Cabdi cabdulle.

7 qof oo shacab ayaa u geeriyooday miino la qaraxday gaari caasi ah oo ay saarnaayeen, kaasi oo ay doonayeen inay ka cararaan dagaalka dhexmaray ciidamadda huwanta ah iyo maleeshiyaadka Al-shabaab

 

Degaanka bariire oo ay ku noolyihiin dadka beeralay ah  waxay ahayd  goob ay ku xoog badnaayeen Al-shabaab, halkaasi oo weerar ay kaga soo qaadi jireen saldhigyada ciidamadda dowladda federaalka ee degmadda afgooyo

Deegaanka Bariire ayaa kamid ah tuulooyinka hoostaga degmada Awdheegle ee gobolkaasi  ayaa 14 km dhinaca koonfureed ka xiga degamada Afgooye, halkaasi o la sheegay in laga taagay calanka Soomaaliyeed, islamarkaana laga dejiyay calanka  maleeshiyada Al-shabaab.

Guddoomiye K/xigeenku kaloo Wuxuu sheegay in ciidanka Xoogga Dalka siweyn loogu soo dhaweeyey deegaanadii ay qabsadeen, isagoo ugu baaqey shacabka ka soo jeeda deegaanadaasi in ay dib ugu so laabtaan guryohooda, islamarkaana laga qaaday culeyskii ay ku hayeen al-shabaab.

Ciidamadda Federaalka oo weheliyaan ciidamo Maraykan ayaa bishii may ee sanadkan weeraray saldhiga Al-shabaab ee degaanka Bariire, waxaana halkaasi ku dhintay askari maraykanka. Dowladu federaalku waxay sheegtay in saldhig ciidan ay ka samaynayso degaanka oo ayan dib uga laaban doonin.

Comments are closed