Hadaba Qurbajoogtan Markay gaadheen Magaalada Wardheer Xarunta Gobolka Doolo waxaa si diiran u soo dhaweeyay Bulshada qeybaheeda kala duwan ee ku dhaqan magaalada wardheer.
Booqashada Kadib ayaa Qaar kamid ah Qurbajoogta DDSI Ayaa Warbaahinta DDSI uga Warbixiyay Mudane C/risaaq Sh Cabdulaahi oo Ka yimid Dalka Sweden ayaa sheegay in ay ka qurbajoog ahaan ay taageerayaan howlaha hormarineed ay xukumadda DDSi ka hirgalisay magaalada Wardheer.
Waxaa kaloo halkaasi warbaahinta DDSI kula hadlay Gudoomiyaha Gobolka Doolo Mudane Maxamed Cabdi Barre iyo Maareeyaha Kuliyadda Farsamada ee Xirfadaha ee Jigjiga Mudane Farxaan Maxamed Kuwaasoo horkacayay Qurbajoogta DDSI
Ugu dambeyntii Qurbajoogta ayaa dhagax dhigay dugsi sare iyoCisbitaal loogu tala galay dadka dhimirka-la qurbajoogtan ayaa ka qeybqaadan doona dhankooda hormarka ka jira magaalada wardheer ee xarunta maamulka Gobolka Doolo Qurbajoogtan ayaa ku sii wajahan degmada daratole iyo danood Sifa ay indha-hooda ay ugu soo arkaan hormarka ka jira deegaanka
Comments are closed