Hadaba 740 dhalinyaro ah oo ku nool magaalada godey kana kooban 69 iskaashato ayaa si rasmi ah loogu wareejiyay lacacago ay ku shaqaystaan oo dhan 40 miliilon oo birr. Waxaana ku wareejiyay masuuliyiin ay kamid ahaayeen wasiir ku xigeen xafiisak maamulka DDSI mudane Deeq Cabdulaahi Buraale, wasiirka xafiiska tababarada, xirfadaha iyo farsamada gacanta DDSI mudane Naasir Xasan, gudoomiyaha gobolka shabeelle mudane farxaan cabdi maajuun
Waxaana Ugu horayn dhalinyartan la lahadlay Wasiirku xigeenka xafiiska maamulka DDSI mudane Deeq Cabdulaahi Buraale oo sheegay dhalinyartan iskugu xidhan iskaashatooyinka ee lasiiyay lacagahan looga baahan yahay inay noqdaan kuwo wax soo saar leh oo ku tiirsanaada muruqooda waxay kula soo baxaan. Wuxuuna masuulku kula dardaarmay dhalintan in loo baahan yahay inay ka midha dhaliyaan yoolasha iyo qorshayaasha udajisan xukuumada faderalka iyo tan deegaankaba islamarkaana la doonayo inuu dalku kamid noqdo wadamada dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay
Geestoodana waxaa iyaguna hadallo dardaaran iyo gubaabin isugujira kasoo jeediyay wasiirka xafiiska tababarada, xirfadaha iyo farsamada gacanta DDSI mudane Naasir Xasan iyo gudoomiyaha gobolka shabeelle mudane Farxaan Cabdi Maajuun oo sheegay in dhalinyartan la gudoon siiyay lacagaha looga baahan yahay inay ka faaiidaystaan fursadan qaaliga ah ee ay ka heleen xukuumadooda suuban islamarkaana ay lacagahan u isticmaalaan nidaamkii la isugu xidhay ee iskaashata walba soo diyaarsatay kana keenaan natiijo wax ka ool ah. Waxayna mas’uuliyiintu intaa ku dareen in fursadan dahabiga ah sidii loogu talagalay looga faaiidayto .
Sidoo kale waxay masuuliyiintu ku wareejiyeen iskaashatooyinka dhinaca beeraha ka shaqaysan doona dhul beereedkii ay ku beeran lahaayeen wax soo saarka ay shaqadiisa bilaabayaan, isalmarkaana laga caawin doono midhihii ay ku beeri lahaayeen iyo qalabkiiba.
Ugu danbayna Dhalinyaradan lagudoonsiinayay lacagtan loogu abuurayo fursadaha shaqo oo dareenkooda cabirayay ayaa sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin kana midho dhalindoonaan hadafka xukuumada u hurtay intan oo lacag ah inay shaqo ugu abuurto iyada oo ka fikiraysa noloshooda iyo sidii ay u noqon lahaayeen dad wax soo saar leh oo kufilnaada noloshooda iyo tan bulshada deegaanka.
Sikastaba ha ahaatee Qorshahan shaqo abuurku kuma eka oo kali ah dhalin yarada magaalada godey ee dhamaan,dhalinyarada bilaa camalka ah ee ku dhaqan deegaanka oo dhan ayaa looga faaiideynayaa islamarkaana ay xukuumadu ugu talagashay in ay ku maalgaliso malaayin lacag ah si loo jabiyo cadawga kali ah een lee nahay oo ah saboolnimada.
Comments are closed