Wasiirka ku xigeenka ayaa sheegay in qorshihii u yaalay xafiiska sanadka 2009TI ee la soo dhaafay laga soo hooyay guulo waawayn oo gashi u noqday bulshada Deegaanka taasi oo la dajiyay ayuu yidhi wasiir ku xigeenka sanadkan 2009TI, qaysas dhan 6,825 qays kuwaasi oo markii hore ahaa bulsho reer guuraa ah. Balse markii ay xukuumada DDSI u samaysay dib u dajint isbadal horumarineed lagu sameeyay hab nololeedkii bulshada lagana dhigay bulsho xoolo dhaqato beeralay ah kana Raystay Noloshii adkayd ee reer-guuraaga ahayd islamarkaana ka faa’iidaysanaya adeegyada kale ee aas aasiga ah ee ay xukuumada DDSI hirgalisay sida:- waxbarashada, caafimaadka, xarumaha xanaanada iyo helitaanka biyaha nadiifta kuwaasi oo laga hirgalisay goobaha laga sameeyay dib u dajinta.
Dhinaca kale wasiirka ku xigeenka ayaa tibaaxay hirgalinta mashaariicaha waaweyn ee horumarka waara (SDG) gaar ahaan mashaariicaha waawayn ee la dhamays tiray ee ay ka midka yihiin mashaariicaha waraabka beeraha ee baka, birqod, goomaar, wijiwaaji, maraacaato iyo mashaariicaha kale ee ah buundada waangay, mashaariicaha biyo galinta xaaqo, qabribayax, harta sheekha, birqod, gunagada, buundada soora iyo buundooyin kale oo muhiim u ah isku socodka bulshada degmooyinka deegaanka ee hore u kala xidhnaan jiray.
Ugu danbayntii wasiirka ku xigeenka ayaa sheegay in xafiiska horumarinta waraabka iyo dooxooyinka DDSI xooga saarayo ka midho dhalinta dadaalada ay xukuumada DDSI ugu jirto taaba galinta istaraatajiyadaha iyo qorshayaasha horumarineed ee lagu tir tirayo sabaalnimada kuwaasi oo ay sal u yihiin hirgalinta mashaariicaha horumarka waara ee SDGga, hirgalinta qorshaha isbadalka koboca dhaqaalaha wajigiisa 2aad ee (GTP2) ee dalku kaga mid noqonayo wadamada uu dhaqaalahoodu dhex-dhexaadka yahay iyo waliba hirgalinta qorshaha ah isku filnaan shaheena waan soo ceshankarnaa.
Comments are closed