Maamulka Magaalada Qabridahar Iyo Shaqo Abuurka Dhalinyarada

Qabridahare (estvlive) 23/08/2017

Kadib markii xukuumada DDSI ay qaadatay talaabooyinka lagu tirtirayo saboolnimada islamarkaana  shaqo abuurka loogu samaynayo dhalinyarada deegaanka ayaa waxaa baryahanba maamul-magaalooyinka deegaanka kasocday shaqo abuurka dhalinyarta ee lagu siinayay lacagihii ay kusamaysan lahaayeen iyo waliba dhulkii. Iyadoo maalmahana  MM-Qabridahar ay kasocdeen abaabulo iyo tababaro kaladuwan oo loohayay iskaashatooyinka dhalinyarada ah, taasoo ay si wada jir ah ugu hawlanaayeen Wasiir-kuxigeenka Xafiiska Maamulka DDSI mudane Deeq Cabdulaahi Buraale oo ay waheliyaan Gudoomiyaha Gobolka Qoraxey iyo waliba Wasiirka Xafiiska Tababarada, Xirfadaha iyo Farsamada Gacanta (TVET)

 

Iskaashatooyinka dhalinyarada ah ayaa kadib markii tababaro kaladuwan lasiiyay oo ku aadan cilmiga iyo shuruucda shaqadooda ayaa waxaa maanta lagu wareejiyay aduun lacageed oo dhan 40 milion oo birr. Islamarkaana gacanta laga saaray dhalinyar tiradoodu kudhawdahay 700 oo xubnood oo isugu jira Rag iyo Dumar. Iyadoo iskashatooyinkaninna ay dhanyihiin 65 iskaashato oo  intooda badan ay ku qotamaan naaxinta xoolaha iyo waxsoosaarka beeraha walaw ay kujiraan iskaashatooyinka warshadaha yaryar.

Hadaba, kahor intaan lacagta lasiinin dhalinyarta ayaa waxaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa usoojeediyay dhalinyarada Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Maamulka DDSI mudane Deeq Cabdulaahi Buraale  oo sheegay in sanadihi ugu danbeeyay uu dalkeenani itoobiya qaatay jihooyin horumarineed oo ku aadan bulshada,  gaar ahaan sidii dhalinyarta shaqo abuur loogu samayn lahaa maadaama oo bulshada dalkeenan itoobiya ay tahay 70% dhalinyar. Wuxuuna intaa kudaray wasiir-kuxigeenku in shaqo abuurka dhalinyartu ay tahay tubaha ugu muhiimsan ee lagaga qalinjabinayo saboolnimda. Wuxuuna kubooriyay in iskaashatooyinkani ay kasoodhalaan waxsoosaarkooda oo ay noqdaana kuwo natiijo kakeena shaqooyinkoodaas.

Sidookale, waxaa iyaguna hadallo dardaaran iyo gubaabin isugujira kasoo jeediyay wasiirka xafiiska tababarada, xirfadaha iyo farsamada gacanta DDSI mudane Naasir Xasan iyo gudoomiyaha gobolka Qoraxey mudane Yuusuf Aadan Yuusuf oo sheegay in dhalinyartan la gudoon siiyay lacagaha looga baahan yahay inay ka faaiidaystaan fursadan qaaliga ah ee ay ka heleen xukuumadooda suuban islamarkaana ay lacagahan u isticmaalaan nidaamkii la isugu xidhay ee iskaashata walba soo diyaarsatay kana keenaan natiijo wax ka ool ah. Waxayna mas’uuliyiintu intaa ku dareen in fursadan dahabiga ah sidii loogu talagalay looga faaiidayto .

Kadibna, masuuliyiintii heer deegaan, Heer-Gobol iyo Heer Maamul magaalo ayaa si quruxbadan ugu wareejiyay iskaashatooyinkan lacagihii loogu talagalay midkasta iyadoo maslaxa loogu yeedhayay marba hal iskaashato, kadibna lagu wareejinayay

Sidookale, waxay masuuliyiintu ku wareejiyeen iskaashatooyinka dhinaca beeraha ka shaqaysan doona dhul beereedkii ay ku beeran lahaayeen wax soo saarka ay shaqadiisa bilaabayaan, islamarkaana laga caawin doono midhihii ay ku beeri lahaayeen iyo qalabkiiba.

Ugudanbayna, dhalinyaradan la gudoonsiinayay lacagtan loogu abuurayo fursadaha shaqo oo dareenkooda cabirayay  ayaa sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin kana midho dhalindoonaan

Comments are closed