Tababarkan ay soo diyaarisay maxkamada guud ee DDSI ayaa waxaa furitaankiisii ka hadlay gudoomiyaha maxkamada guud DDSI mudane ugaas Cabdilaahi Maxamuud Cabdi oo ka warbixiyay ujeedooyinka iyo ahmiyada uu leeyahay tababarku wuxuuna sheegay in dulucdiisu tahay sidii kor loogu qaadilahaa awooda fulineed ee hay’adaha cadaalada qaarka mid ah degmooyinka deegaanka si loo xoojiyo ilaalinta xuquuqaha sharciga caruurta uu siiyay dastuurkeenu gudoomiyaha ayaa sheegay in guulo waawayn deegaankeenu ka gaadhay taamyeelida ilaalinta xuquuqaha aadamaha iyada oo ahmiyada gaar aha la siiyay ilaalinta xuquuqaha haweenka iyo caruurta. Gudoomiyaha ayaa ku booriyay xubnahan tababarka loo furay in ay ka faa’iidaystaan cashirada la dhigayo mudada uu tababarku socdo.
Dhankiisa waxaa ka hadlay furitaankii tababarkan gudoomiye ku xigeenka maxkamada guud ee DDSI mudane Axmed Maxamed Shukri oo ka warbixiyay dadaalka ay xukuumada DDSI ugu jirto taaba galinta, ka midho dhalinta qorshayaasha horumarineed ee lagu gaadhayo wamada dhaqaalahoodu iyo xaqiijinta sarraynta sharciga intaba si ay muwaadiniinta bulshadu si buuxda u helaan xuquuda garsoor ee uu dastuurku siiyey sidoo kalana adeegyada ay bixinayaani hay’adaha cadaaladu noqdo mid firfircoon, casri ah isla markaasna leh ka gun-gaadhid ay si dhab ah u taaban karto bulshada gaar ahaan xuquuqaha caruurta wuxuuna ku booriyay gudoomiye ku xigeenku in ay sidii loogu talagalay uga faa’iidaystaan xubnahan loo furay tababarka si looga guul gaadhoo ujeedooyinka laga leeyahay tababarka.
Comments are closed