Wasiiro ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug isla markaasina xubin ka ah guddiga gurmadka abaaraha heer qaran ayaa la socday markabka, iyagoo u kuurgalayey markabka rashiinka gar-gaar ahaa wadey in six ah u tagey iyo habka loo qeybinayo.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda dekadaha, gaadiidka badda iyo la dagaalanka burcad badeedda Puntland Cabdirisaaq Nuur Cumar ayaa sheegay in markabka uu sido 4000 oo tan oo raashiin ah oo loogu tala galay in loogu gurmado dadkii ay abaarta saameysay
Axmed Dhiblaawe Caseer oo ka mid ah guddiga gurmadka abaaraha heer qaran ayaa umahadceliyey Puntland sid ay u soo dhaweeyeen, asigoona intaasi ku daray in gar-gaarka ay soo dhiibtay dowladaha Turkiga iyo Indunisiya.
Rashiinka ayaa ka kooban bur iyo sonkor mana ahan markii ugu horeysay ee dekadda Bosaso uu ku soo xirto markab sida gar-gaar bini’aadanimo.
Deegaano kamid ah gobolka Koonfurta Mudug iyo Galguduud waxaa weli ka taagan abaar aad u daran.
Comments are closed