Cosoble Oo Maamul Cusub Isku Caleemo Saaray iyo Hirshabelle oo Ka Hadashay

Beledwayne (estvlive) 02/09/20017

Ka dib markii shalay magaaladda Beledweyne ,odoyaasha dhaqanka ee gobolka Hiiran  ay Cali Cabdullaahi Cosoble u caleemo saareen  Madaxweynaha mamaulka cusub ee Hiiraanland, ayaa go’aankaasi waxaa ka soo horjeesaday guddoomiyaha barlamaanka Hirshabelle oo sharci darro ku tilmaamay, hanjabaadna u diray maamulka  gobolka Hiiraan oo ka qaybgalay kullanka Caleemo-saarka.

 

Odoyaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan waxaa ay sheegeen in la burburiyay nidaamkii lagu dhisay maamul- goboleedka Hir-shabelle, islamarkaana sifo sharci darro ah barlamaanku kalsoonida ugala laabteen Madaxweyne Cosoble, Taasi bedelkeedana ay dhisteen maamulka cusub ee Hiiraanland oo kooban labo gobol  ee Hiiraan iyo Shabeellaha Sare, waa sid ay hadalka u dhigeen

“Waxaa nasiib darro ah in Madaxweynihii markii xilka sifo sharci ah looga qaaday, in inta uu tego Beledweyne yiraahdo oo Baraha bulshada ka yiraahdo codkaan ayaan ka duubay guddoomiyaha Barlamaanka, Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaarah, Waxaasi waa beern abuur. ma jirto cid handadi karta barlamaanka iyo madaxweynaha Hirshabelle, Hirshabelle meelkasta oo ay joogto waa nabad” Sidaas waxaa yiri Cismaan Bare Maxamed gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle,

Wuxuu sheegay inaysan jirin shacab kala-qaybsan, wuxuuna digniin u diray cid kasta oo ka amar-qaadatada madaxweynihii xilka laga qaaday Cali Cabdullaahi Cosoble

“waxaan ugu baaqayaa Maamulka gobolka Hiiraan iyo Hirshabeelo dhan inaysan ka amar-qaadan wax sharci darro ah, waa in ay raacaan sharciyadda, cidii ku xadgudubta xilkaa laga qaadayaa, Ma jiro madaxweyne, waxaa jira sii haye xilka madaxweynaha oo amarka laga qaadanaya. shacabku waa Hirshabelle, ma jiro shacab kala qaybsan, Cid maamul Gaar ah sheegan kartaa ma jirto, waana sharci darro, taas laftigeeda

Barlamaanka Hirshabelle oo xaruntiisu tahay degmadd Jowhar ayaa la filayaa inay doortaan Madaxweyne cusub. Is-magacaabida Cosoble ee maamulka Cusub ee Hiiraanland ayaa sidoo kale dhalin karta jahwareer iyo khilaaf kale oo curyaamin kara Maamulka Hirshabelle oo markii horaba ay dhibaatooyin badan ay haysteen.

Comments are closed