Al-shabaab oo weerar qorsheeysay ku qaaday deegaanka Buulogaduud ee gobolka J/hoose

Kismaayo (estvlive)03/09/2017

Maleeyshiyaad ka tirsan Al-shabaab ayaa saaka aroortii weerar qorsheeysan ku qaaday saldhig ay ciidamada Jubaland iyo kuwa xoogga dalka ku lahaayeen deegaanka Buulogaduud oo qiyaastii 30 KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in Al-shabaab ay gudaha u galeen deegaanka Buulogaduud, ayadoo adeegsanaya gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay iyo weerar toos ah, waxaana halkaasi uu dagaal xooggan ku dhexmaray Al-shabaab iyo ciidamadii ku sugnaa deegaankaasi.

Taliyaha ciidamada Jubaland Gen. Aadan Goojaar oo qadka teleefonka ugu waramay warbaahinta ayaa sheegay in ay iska caabiyeen weerar uga yimid Al-shabaab, haatanna ay ku suganyihiin Buulogaduud, isagoo intaa ku daray in wixii faahfaahin ah ay dib ka sheegi doonaan.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka.

Gurmad loo diray Buulogaduud

Magaalada Kismaayo ayaa lagu dhex arkayay gaadiidka dagaalka iyo ciidamo aad u tiro badan oo ku wajahan deegaanka Buulogaduud.

Xaaladda deegaankaasi ayaa weli ah mid kacsan.

Deegaanka Buulogaduud ayaa saldhig u ahaa ciidamada Jubaland iyo kuwa xoogga dalka.

Comments are closed