Kuuriyada Waqooyi: Waxaan Tijaabinay Qunbulad Haydroojiin ah

K/waqooyi (estvlive) 03/09/2017

Kuuriyada Waqooyi ayaa xaqiijisey in ay tijaabiyeen qunbulad Haydarojiin ah, subaxnimadii hore ee maanta oo Axad ah. Fariinta Kuuriyada Waqooyi ku xaqiijisey tijaabadan cusub ee hubkan Nukliyeerka ah ayaa laga sii daayey Telefishanka dalkaas.

Sida laga soo xiganayo Kuuriayda Waqooyi Bomka ayaa lagu xiray gantaal waxaana lagu guuleystey tijaabadaas.

 

 

Subaxnimadii hore ee maanta ayaa laga dareemay dhul-gariir ka dhacay Kuuriayda Waqooyi kuwaas oo warbaahinta qaarkood sheegeen in dhul gariir ka dhacay Kuuriyada Waqooyi.

Sida laga soo xiganayo dalka kale ee Kuuriyada Koonfureed, dhul gariirka ayaa laga dareemay halkii horey loogu tjaabiyey hubka nukliyeerka ah. Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtey in xukuumadda iyos araakiisha sare ee dalkaasi ay shir deg-deg ah isugu imaanayaan isla maata oo uga hadlayaan sida ay ka yeelayaan tijaabadan cusub oo ah kii lixaad sanadkan gudihiisa.

Kuuriyada Waqooyi ayaa dhegaha ka fureysatey hanjabadaha uga imaanaya Maraykanka, waxaana tani ay caddeynu tahay sida Kuuriayda Waqooyi aysan ugu jixinjixieyn digniinta la siinayo.

Comments are closed