Lix kun oo Muslimiinta Rohingya ah oo gaaray dalka Bangladesha iyo Hay`addaha arrimaha qaxootiga oo digniino soo saaray

Bangladesh (estvlive) 03/09/2017

Qiyaastii 6 kun oo Muslimiinta Rohingya ah ayaa ka tallaabay xadka Myanmar uu la wadaao Bangladesh muddo toddobaad ah, sida dowladda dalka Bangladesh ay sheegtay.

Dadka dalkaasi galay ayaa waxaa ay kasoo carareen dhibaatooyin xooggan oo ka jira dalkooda. Hay’adda xuquuqda aadanaha ayaa ku baaqay wax ka qabashada dhibaatadda.

 

Hay`adda arrimaha qaxootiga ayaa ka digtay inay buux-dhaafaan xeryaha qaxootiga dalka Bangladesh ee ay ku soo qulqulayaan Muslimiinta Rohingya ee ka soo qaxaya dalka deriska la ah ee Myanmar.

Ciidamada Myanmar ayaa bilaabay olole ka dhan maleeshiyaadka Rohingya ee ku sugan gobolka Rakhine toddobaadkii la soo dhaafay.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Britain, Boris Johnson, ayaa ugu baaqay madaxweynaha Myanmar, Aung San Suu Kyi, inay soo afjarto qalalaasaha dalkaasi ka taagan.

Barnaamijka Cuntada Adduunka ee WFP ayaa sheegaya in toddobaadyadii la soo dhaafay uusan gargaar gaarsiin boqollaal kun oo qof, sababo la xiriira dagaalka halkaasi ka socda.

Comments are closed