Taliyaha qeybta 21-aad “Al Shabaab waa looga adkaaday dagaalladda ka socda Goboladda Koonfurta”

Galgaduud (estvlive) 03/09/2017

C/llaahi Aadan Xuseen Cirro oo ah taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, ayaa sheegay in ay ka hortagayaan dagaalyahannada Al Shabaab ee looga adkaaday dagaallada ka socda Goboladda Koonfurta in ay gaaraan Koonfurta Mudug iyo Galgaduud, sida uu hadalka u dhigay.

 

Taliyaha ayaa hadalkaasi ka sheegay kulan looga hadlayay ammaanka deegaanada Galmudug.

Kulana waxaa ka qeyb-galay saraakiisha taliska qeybta 21aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed ee qaabilsan Ammaanka Gobolada Dhexe, Wasiirka Amniga Galmudug iyo saraakiil ka socotay Taliska Amisom ee deegaanadaasi Jooga iyo madax kale.

Kulanka waxaa uu ku saabsanaa xog-is-weydaarsasho dhex mareysay ciidanka haddii ay ahaan la haayeen AMISOM, NISA, Darwiishta Booliska Galmudug iyo qeybta 21-aad. Waxaa kaloo laga hadlay sidii Al Shabaab looga saari lahaa deegaannadda Galmudug iyo kuwa kale”, ayuu yiri C/llaahi Aadan Xuseen Cirro oo ah taliyaha qeybta 21aad ee ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale waxaa uu ka codsatay Shacabka deegaanada Galmudug in ay laamaha Ammaanka kala shaqeeyaan sidii looga hortagi lahaa weerarada Al Shabaab.

Comments are closed