Degmada Elele iyo Gudoomiye-yaasha Degmooyinka Gobolka Shabeele Oo Khibrad Wadaag U tagay

Elele (estvlive) 07/09/2017

Itobiya  waxay kaalinta ugu horaysa kaga jirtaa qaarada Africa dhinaca koritaanka dhaqaalaha, waana dal ku hawlan sidii uu meesha uga saari lahaa shaqo la’aanta dhalin yarada. Taana waxaa gundhig u ah istaraatiijiyada qorshaha kobaca iyo isbedelka dhaqaalaha ee xukuumadu qaadatay ee wakhtixaadirkan lagujiro  wajigiisii 2aad ee qorshahaasi walaw ay sanadkan 2010ka xukuumada DDSI ay xooga saartay dhinaca naaxinta xoolaha nool maadaama deegaanku qani ku yahay dhaqashada xoolaha.

 

Hadaba, Degmada Elele ee katirsan Gobolka Shabeelle ayaa samaysay xero kudayasho mudan taasoo lagu quudiyo ama lagu naaxiyo 3da meesi ee xoolaha ee Adhiga, Geela iyo Lo’da. Waxaana xeradaas booqdasho khibrad wadaag ah ku tagay Gudoomiyeyaasha 10ka Degmo ee Gobolka Shabeelle kakoobanyahay. Booqasho iyo indha indhayn kadibna Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Shabeelle  Ayaa warbaahinta la wadaagay khibrada xeradan uga korodhay oo sheegay in Degmadan elele tusaale  u noqotay gobolka iyo deegaankaba dhinaca fulinta qorshahan naaxinta xoolaha.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Gobolka Shabeele mudane Farxaan Cabdi Maajuun oo lahadlay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in  maamulka degmada elele ay samaysay isxilqaan wanaagsan oo kudayasho mudan islamarkaana ay tusaale u noqotay Degmooyinka Gobolka kadib marii ay samaysay xero wayn oo naaxinta xoolaha ah siwanaagsana ay usocoto shaqadii naaxinta iyo quudinta xoolaha. Wuxuuna intaa kudary gudoomiyuhu in dhamaan Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Shabeele ay khibrad ka qaataan arrintan naaxinta xoolaha ee degmada elele.

Dhankakale, Gudoomiyaha Degmada Elele mudane Axmed Cabdi Yuusuf  ayaa sheegay in qorshahani yahay mid fudud markii loo dhaqaaqo islamarkaana aysan uusan ahayn fulinta qorshahani mid ubaahan kharashbadan. Wuxuuna xusay in qorshahan lagu sameeyay naaxinta xoolaha uu ubaahanayahay ka gonaansho. Wuxuuna kubooriyay gudoomiyayaasha in khibradan ay kaga daydaan.

Ugudanbayna, dhankooda gudoomiyeyaashii degmooyinka Gobolka Shabeele oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in maamulka degmada elele ay dadaal badan sameeyeen islamarkaana ay arrintani tahay mid kudayasho mudan oo ay si wanaagsan khibrad uga qaadanayaan.

Comments are closed