Denjire Qin ayaa sheegay in deeqdan waxbarasho ay tahay dedaalka Shiinuha ka wado dib u soo celinta horumarka Geeska Afrika..
Denjiraha Shiinaha ayaa sheegay in afartan iyo laba ardeyda laga soo xulay Somaliland, Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed Hirshabelle iyo Muqdisho.
Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa ku amaaney dalka Shiinaha deeqdan waxbarasho, waxaana uu ku tilmaamey kaalin muhim ah taageerada joogtagada ah ee Shiinuhu siiyo Soomaaliya iyo xiriirka wanaagsan ee labada dal.
Ardeyda gaareysa afartan iyo laba ardey ayaa badan kood dhiganayaan Jaamacadaha caafimaadka iyo Injineeriyada.
Comments are closed