Ardey dalka Shiinaha ka helay deeq waxbarasho oo Muqdisho laga sagootiyey

Shiinaha (estvlive) 07/09/2017

Afartan iyo laba ardey oo dhamaystey waxbarashada dugsiga sare ayaa maalintii shalay laga sagootiyey Muqdisho, waxaana ay deeq waxabarasho ka heleen Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha.

Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Denjire Qin Jian ayaa sheegay in ardeydaan ay dugsiga sare uga baxeen Soomaaliya halka waxbarashada jaamacadda ee heerka kowaad ay ka dhiganayaan dalka Shiinaha, waxaana rajeyneynaa ayuu yiri in ay dalkooda ku soo laabtaan oo ka qayb-qaataan dhismihiisa.

 

Denjire Qin ayaa sheegay in deeqdan waxbarasho ay tahay dedaalka Shiinuha  ka wado dib u soo celinta horumarka Geeska Afrika..

Denjiraha Shiinaha ayaa sheegay in afartan iyo laba ardeyda laga soo xulay Somaliland, Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed Hirshabelle iyo Muqdisho.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa ku amaaney dalka Shiinaha deeqdan waxbarasho, waxaana uu ku tilmaamey kaalin muhim ah taageerada joogtagada ah ee Shiinuhu siiyo Soomaaliya iyo xiriirka wanaagsan ee labada dal.

Ardeyda gaareysa afartan iyo laba ardey ayaa badan kood dhiganayaan Jaamacadaha caafimaadka iyo Injineeriyada.

Comments are closed