Diyaaradaha Drone-ka Maraykanka oo Duqayn Ku dilay xubno ka tirsan al-Shabaab

Mareykanka (estvlive) 07/09/2017

Taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ayaa war ka soo saaray Weerar ay gaysteen diyaaradaha Drone-ka kaasi oo lagu dilay Ilaa sedex katirsan Maleeshiyada Shabaab. Weerarkan ayaa ka dhacday meel ka mid ah Koonfurta Soomaaliya.

Afhayeenka AFRICOM, Anthony Falvo oo la hadlay wakaaladda wararka ee AP, wuxuu sheegay in weerarkaasi oo qorshaysnaa uu  dhacay  aroornimadii talaadada ahayd, islamarkaan weerarkaasi ayan dad rayid ah waxba ku noqon – wuxuuna sheegay in weli aysan heyn magacyada ragga ka tirsan Al-Shabaab ee ku dhintay iyo darajadooda.

 

Wuxuu sheegay in maleeshiyada la dilay ay halis ku hayeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ee degaankaasi ka howlgalaya kana dhowaa meesha ay duqeyntu ka dhacday.

Militariga Mareykanka Mareykanka ayaa fuliyay weeraro dhowr ah oo ka dhan ah Al-Shabaab tan iyo markii madaxweyne Donald Trump uu ansixiyay ballaarinta howlgallada Mareykanka ee Somalia ee ka dhanka ah Al-Shabaab kuwaasi oo lagu taageerayo Dowladda Soomaaliya.

Comments are closed