Diyaaradaha Israil oo duqeeyey meelo kamid ah Siiriya

Siiriya (estvlive) 07/09/2017

Warbixino ay qoreen saxaafadda Israel iyo qaar kamid ah warbaahinta carabta ayaa sheegaya in habeenkii xalay diyaaradaha Israel ay duqeeyeen xarun cilmi baaris oo ku dhaw magaalada Xamaa ee galbeedka Siiriya.

Israel ayaa sheegtey in ay bartilmaameed ka dhigteen xarun hoostagta Bashar Assad oo ka shaqeysa hubka Kiimakiada ah (chemical weapons programme).

 

Sida uu qorey wargeyska The Guardian duqeyntu waxay dhacdey habeenkii xarunta la duqeeyey ayaa ah Xarunta Cilmibaarista Culuumta Sayniska (Syrian Scientific Studies and Research Centre) oo reer galbeedku u yaqaanaan goob lagu hormariyo hubka Kiimikada ah.

Qaar kamid ah Mucaaradka Siiriya ayaa sheegaya in diyaaradaha weerarkan fuliyey ay ahaayeen ilaa afar diyaaradood.

Dowladda Ruushka oo taageerta Bashar al-Asad ayaa meelo badan oo dalkaas ka mid ah ku xirey gantaalada ridada dheer ee lidka diyaaradaha iyo weliba raadaaro casri ah, waxaana taasi keentey in diyaaradaha Israel aysan ku deg-degin in ay duqeyn ka geystaan gudaha Siiriya, waxaana hadda muuquata in ay dib u bilaabeen duqeymaha goobahaa ay bartilmaameedka ka dhigtaan.

Comments are closed