4-Qof Dhimasho Qarax ka dhacay Maanta Magalada Baydhabo

Baydhabo (estvlive) 08/09/2017

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ahaa oo gabal-dhicii maanta oo Jimco ah ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Ugu yaraan Afar ruux ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen weerarkan oo ahaa mid uu fuliyay qof naftii hure ah oo ka dhacay maqaaxi ku dhaw xarunta DahabShiil ee bartamaha magaalada Baydhabo.

Sidoo kale waxaa jira dad ku dhaawacmay qaraxan loo dhigay xarumaha caafimaadka magaalada Baydhabo oo lagu dabiibayo

Qaraxan ayaa ka dhacay goob sanadkii hore sidan oo kale Al-shabaab ka fuliyeen qaraxyo kala duwan.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegtay weerarka ismiidaamin ah , balse weeraro horay uga dhacay Baydhabo waxaa sheegtay Al-shabaab.

Comments are closed