Maraykanka oo sheegtay in ay Khamiistii duqeyn kale ka geysteen Soomaaliya

Mareykanka (estvlive) 08/09/2017

War saxaafadeed ka soo baxay Ciidamada Maraykanka gaar ahaan saldhigooda Africa ee loo yaqaan Africa Command ayaa lagu sheegay in ay weerar dhanka cirka ah oo cusub qaadeen maalintii khamiista ee shalay, kuna beegsadeen xubin ka tirsaneyd al-Shabaab.

 

Weerarka ayaa ka dhacay meel ku dhaw magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelada Hoose, maalintii Khamiista ee shalay waxaana lagu diley hal qof oo ka tirsanaa ururka al-Shabaab sida lagu yiri warsaxaafadeedka.

Lama oga shakhsiga ciidamada Maraykanku ku dileen weerarkan cusub qofka uu ahaa iyo xilka uu ka hayey al-Shabaab.

Warka ka soo baxay ciidanka Maraykanka ayaa lagu sheegay in Dowladda federaalka ah iyo iyagu ay iska kaashadeen weerarka, waxaana oggolaanshaha bixiyey Madaxweynaha Soomaaliya bishii Maarso 2017 taas oo u oggolaaneysa ciidamada Maraykanku in ay weeraro fudud ku qaadi karaan al-Shabaab.

Ciidamada Maraykanka ayaa kor u qaadey weerarada diyaaradaha Drone-ka ah ee gudaha Soomaaliya waxaana maalintii Ciidul Adxaaga ku dileen isla gobolka Shabeelada Hoose saddex kamid ah al-Shabaab, sidoo kale maalintii Saaalasad ee todobaadkan ayaa weerar kale ay qaadeen diyaaradahooda drone-ka ah waxaana ay sheegeen in ay dileen qaar ka tirsan al-Shabaab.

Comments are closed