UNHCR: 270 000 qof oo qaxootiga Rohinga ah ayaa gaarey Bagladesh

Rohinga (estvlive) 08/09/2017

Hay’adda u qaabilsan Qaramada Midoobey arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtey in 270 000 oo qof oo qawmiyadda Rohinga ah ay gaareen dalka Bangladesh kadib markii ay ka soo baxsaden guryahoodi dalka Burma.

Ciidamada dalka Burma ayaa weli sii wada xasuuqa ay ku hayaan Muslimiinta laga tirada badan yahay ee ku dhaqan galbeedka dalka Burma.

 

UNHCR ayaa sheegtey in qaxootiga laga diiwaan geliyey Bangledesh ee dadka Rohinga ay u badan yihiin haween iyo caruur. Maalintii Khamiista oo keliya ayaa la diiwaan geliyey 164 000 oo qof sida laga soo xigtey Qaramada Midoobey.

War ka soo baxay Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in xaalad bini’aadanimo ay ka taagan tahay xeryaha qaxootiga la dejiyey, loona baahan yahay gargaar deg-deg ah.

In badan oo kamid ah Qaxootiga ayaa sheegaya in ay jidadka uga yimaadeen meydadka caruurtoodi, nimankoodi iyo qaraabadoodi.

Yanghee Lee oo Qaramada Midoobey uga waranta dalka Burma ayaa sheegtay in dhimaashada dadka Rohinga ilaa maanta oo Jimce ah ay ka badan tahay 1 000 qof, taas oo aad uga badan tirada Dowladda Burma ay sheegtey.

Dalka Turkiga ayaa u direy wefdi heer sare ah xeryaha qaxootiga ee Bangledesh waxaana hoggaaminaaya Mawrada kowaad ee Dalka Turkiga Emine Erdoğan, inta badan caalamka carabta iyo dalalka Islaamka ayaa ka aamusan xaaladda ka taagan galbeedka Burma.

Comments are closed