Fadhigii Baarlamaanka Federaalka oo u baaqdey kooram la’aan

Muqdisho (estvlive) 09/09/2017

Kualnkii u horeeyey ee Xildhibaanada Golaha Shacabku yeelan lahaayeen maanta ayaa baaqdey, sababta ayaa ah in aan la helin kooramka uu ku xirmi lahaa fadhigu.

Xildhibaanada buuga xaadiraada saxiixey ayaa gaaray 104 keliya, waxaana jirey Xildhibaano badan oo ka tirsan golaha xukuumadda oo soo xaadiray fadhiga laakiin aan saxiixin buugga xaadirinta ee fadhigu ku furmi lahaa

 

Afhayeenka Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si weyn uga caroodey Xildhibaanada fadhiga yimid laakiin aan saxiixin joogitaankooda, waxaana uu sheegay in uu qabanayo xeer hoosaadka Golaha shacabka qodobka 16aad qaybtiisa shanaad.

Waxaan aad uga xumahay Xildhibaanada iyaga oo kulanka fadhiya aan saxiixin buuga koorumku ku xirmo, waxaan la tiigsanayaa xeerka u yaala golaha ayuu yiri Jawaari oo fadhiga xiray. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari

Qaar kamid ah Xildhibaanada ayaa sheegay in ay jireen xubno ka socdey Xukuumadda oo dadka Xildhibaanada ka codsanaayey in aan buugga la saxiixin si aan looga hadlin ajanadaha Qalbi-dhagax.

Qaar badan oo kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa subaxnimada Sabtida xirnaa, waxaana dariiqyada qaarkood la geeyey ciidamo faro badan, isgoysada la xirey waxaa kamid ah Dabka, Sayidka, Kaalsa Balbalaare, iyo Tarabuunka, taas oo kaliftey in Xildhibaanada ay dhib ku noqoto in ay si fudud ku gaaraan xarunta Baarlamaanka, lama oga sababta ka danbeysey xiridda waddooyinka, waxaana qaar kamid ah Xildhibaanadu ku eedeynayaan Taliyaha NISA oo amar ka haysta Raysalwasare Kheyre.

Sababta Xildhibaanada Xukuumadda ku jira ee ah Wasiiradu u saxiixi waayeen buuga is xaadirinta ayaa ah in ay ka cabsi qabaan qodobka looga hadli lahaa fadhiga ee ah go’aankii ay ku dhibeen Qalbi-dhagax.

Maalinta berri ah ayaa mar kale dib loogu balamey in Xildhibaanadu isugu yimaadaan fadhi, waxaana socda ol-ole Xukuumadda Kheyre waddo oo Xildhibaanada looga dhaadhicinaayo in aysan taageerin wax Mooshin ah oo xukuumadda laga keeno.

Comments are closed