Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay xasuuqa lagu hayo muslimiinta Rohingya

Hargeysa (estvlive) 09/09/2017

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xasuuqa lagu hayo muslimiinta Rohingya ee wadanka Myanmar.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa xukuumadda wadanka Myanmar ugu baaqay inay joojiso isir tirka iyo diin sifeynta uu ku hayo shacabka muslimiinta ah ee Rohingya,isla markaana bulshadda caalamka ugu baaqay inay ka hawlgalaan sidii loo joojin lahaa dhibaatadda lagu hayo muslimiintaasi Rohingya.

“Waxaanu ka xunahay muuqaaladda iyo warbixinadda ka dhanka ah bani’aadanimadda ee lagu hayo muslimiinta Rohingya, kuwaas oo ay gaysanayaan ciidamada Myanmar, waxaan ku boorinaynaa xukuumadda Myanmar inay joojiso qulqulatooyinka, isir tirka iyo diin sifeynta lagu hayo bulshadda Rayidka ah ee Rohingya, isla markaaana u ogolaataa in la gaadhsiiyo gargaarka bani’aadanimoo inay gadhaan dadka u baahan.”ayuu yidhi Siilaanyo.

Waxaanu intaas ku daray “Waxaan bulshadda caalamka ugu baaqaya gaar ahaan UN-ta inay joojiyaan ololaha xasuuqa ah ee lagu hayo muslimiinta Rohingya ee wadanka Myanmar.”.

Dhinaca kale, Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliland ayaa sheegay inay wadaan mooshin ay ku ansixinayaan sidii ciidamo loogu diri lahaa muslimiinta Rohingya si ay u difaacaan, waxaanu madaxweynaha Turkiga ka dalbaday inay usoo diraan diyaaraddo lagu qaado ciidankaasi.

“Waxaan dadka reer Somaliland u sheegayaa, arrintaa foosha xun ee ka dhacday wadanka Myanmar aad iyo aad ayaanu uga xunahay hadii aanu Somaliland nahay, shan iyo toban xildhibaan ayaanu dooneynaa inaanu mooshin ku keeno, dawladuna waa ay naga aqbashay hore ayaanu ugu sheegnay in ciidan Kamaandowsa oo shan kuna loo diro muslimiinta Rohinga ee la xasuuqayo”ayuu yidhi Xildhibaan Nacnac.

Comments are closed