Muwaadin Mareykan ah oo maxkamad ka hor-qirtay in uu xiriir la lahaa Al Shabaab

Mareykanka (estvlive) 09/09/2017

Muwaadin u dhashay dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Maalik Alim Jones, oo 32-jir ah, ayaa maxkamadda horteeda ka qirtay in uu taageero siiyay, kana mid ahaa dagaalyahannada Al Shabaab ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya.

Garsooraha degmada Paul Paul Gardephe ee Manhattan, ee dalka Marekanka, ayaa sheegay in Jones uu maxkamadda ka hor qirtay in qori AK-47 ah uu adeegsaday intii uu la joogay Al Shabaab, sidoo kalena waxaa la sheegay in tababar uu la qaatay dagaalyahannada Al Shabaab.

 

“Waan ogaa in ficilladaydu ay xadgudub ku tahay sharciyada Mareykanka,” ayuu yiri Jones.

Xeer-ilaaliyeyaashu waxay sheegeen in Jone uu ku dhashay kuna noolaa Maryland, uuna sanadkii 2011 u safray dalka Kenya, kaddibna uu sii aaday dalka Somaaliya, halkaas oo uu kula tababarta kooxda al shabaab, waxaana dhammaan dembiyadaasi lagu soo oogay sanadkii 2016.

Dowladaha reer-galbeedka ayaa isha ku haya muwaadiniintooda u safra dalalka kenya iyo dalkan Soomaaliya, waxaana ay aaminsanyihiin in ay khatar kala kulmi karaan marka ay ku laataan dalalkooda.

Comments are closed