” waxay xuduuda yimaadeen iyagoo wata hubkoodii iyo baabuurta dagaalka kadibna hubka ayaa la dhigay, waxaana dib loogu celinayaa magaaladda iyo saldhigoodii oo ay soo weerareen kooxda Al-shabaab” ayuu yiri Maxamed Saalax
Ma cadda ilaa iyo hadda tiradda askarta Soomaaliyeed iyo dadka shacabka ku geeriyooday weerarka Al-shabaab, hase yeeshee wararka qaarkood ayaa sheegaya in 1o askari ay ku geeriyoodeen weerarka ka dhacay saldhiga milateriga, kaasi oo dhowr kilomitir oo kaliya u jira xuduuda kenya iyo Somalia.
diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ciidamada Kenya ayaa korka ka duqeeyay dagaalkyahanada Alshabaab, waxayna ku khasbeen inay isaga baxaan Beled-Xaawo,sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah.
Comments are closed