180 Askari oo u Baxsaday Xuduuda Kenya Kadib Weerarkii Beled xaawo

Beled-Xaawo (estvlive) 11/09/2017

Kadib markii kooxda Al-shabaab ay saaka  Subaxnimadii hore weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda federaalka ay ku lahaayeen  degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo, ayaa 180 askari oo ka koobnaa ciidamada milteriga iyo maleeshiyaadka Ahlu-Sunna waxay u carareen dhinaca Degmada Mandheera ee Kenya, sida uu sheegay Xiriiriyaha gobolka Waqooyi bari Maxamed Saalah

Sarkiisha Kenya waxay sheegeen in ciidamada  soo gaaray  xuduuda, ay wateen askar dhaawacyo qabo iyo 14 qof oo shacab ah , kuwasoo lagu dabiibayo cusbitaalka Mandhera, waxayna intaa ku dareen in hubkii  ay siteen laga dhigay

 

” waxay xuduuda yimaadeen iyagoo wata hubkoodii iyo baabuurta dagaalka kadibna hubka ayaa la dhigay, waxaana dib loogu celinayaa magaaladda iyo  saldhigoodii oo ay soo weerareen kooxda Al-shabaab” ayuu yiri Maxamed Saalax

Ma cadda ilaa iyo hadda tiradda askarta Soomaaliyeed iyo dadka shacabka ku geeriyooday weerarka  Al-shabaab, hase yeeshee wararka qaarkood ayaa sheegaya in 1o askari ay ku geeriyoodeen weerarka ka dhacay saldhiga milateriga, kaasi oo dhowr kilomitir oo kaliya u jira xuduuda kenya iyo Somalia.

diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ciidamada Kenya ayaa korka ka duqeeyay dagaalkyahanada Alshabaab, waxayna ku khasbeen inay isaga baxaan Beled-Xaawo,sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah.

Comments are closed