Bulshada Rayidka oo Walaac Ka Muujisay Amarkii Puntland ku Mamnuucday Shirarka Siyaasadeed

Garoowe (estvlive) 11/09/2017

Dallada ay ku midaysan yihiin ururada  bulshada rayidka  ah ee Puntland ayaa walaac ka muujisay warqad ka soo baxday wasaaradda amniga Puntland oo lagu mamnuucayay in shirar siyaasadeed aan lagu qaban karin hoteeladda iyo goobaha kale ee dadka isugu yimaadeen ee dhammaan goboladda Puntland.

 

Dalladu waxay sheegtay inay aaminsantahay in dowladda dowladda Puntland  ku dhisan tahay  mabaadida dimoqradiyada sida ku cad qodobada 3aad ee dastuurka Puntland.Dalladu waxay kaloo sheegtay inaysan raali ka noqon karin in la qabto wax shirar ah oo lagu khalkahl gelinayo amniga, Xasiloonida iyo jiritaanka Puntland.

Dalladu waxay ku talisay qodobadan.

Dowladda Puntland inaanay hor istaagin shirarka siyasadeed ee looga hadlayo Masiirka dadlak iyo dadka.

Dawladdu waa in ay tixgeliso xoriyada fikirka sida uu qorayo qodobada 14aad ee dastuurka Puntland.

Siyaasiyiintu waa inay furtaan xisbiyo siyaasadeed oo ay ku cabbiraan aragtiyahooda siyaasadeed kuna hormariyaan qorshayaashoda.

Siyaasiyiintu waa inay ka fogaadaan qabshada shirar khalkhal gelin kara amniga iyo xasiloonida dalka

Goaa’nka ka soo baxay Wasaaradda Amaniga oo uu ku saxiixan yahay Wasiirka Amniga Axmed  Cabdullaahi Yusuf (Dowlad) ayaa digniin loogu diray Hoteelada iyo goobaha kale ee ganacsi ee marti geliya shirar suyaasadeed ee looga soo horjeedo maamulka talada haya ee Dr. Cabdiweli Gaas.

Comments are closed